Kampala- Ciidanka Uganda ayaa baaraya sababta keentay in askari ka tirsan ciidanka Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho uu u dilay sarkaal ka mida ciidanka AMISOM ka hor inta uusan isagu isdilin.
Warar laga helay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu aad uga xanaajiyey sarkaalka la dilay waxaana sidoo kale rasaastaas ay dishay afar askari guud ahaan maalintii sababtida.
Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Brig Richard Karemire ayaa sheegay in laba askari oo kaliya ay dhinteen baareyaashuna ay ka shaqeynayaan sababta keentay in askarigani uu dilka geysto.




From the comments