Israsaaseyn xoogan oo u dhaxeysay ciidan hubeysan oo ayaa maanta ka dhacday gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Israsaaseyntan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidanka Jubbaland ay isku dayeen inay baaraan Boorsooyinka uu watay C/naasir Seeraar, balse arrintaasi waxaa ka soo hor jeestay ilaaladiisa C/naasir Seeraar oo ah mid ka mid ah murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo
Iska hor imaadkan ayaa geystay khaqaare waxaana ku dhaawacmay Labo askari oo ilaalada C/naasir Seeraar ka tisana halka wararka qaarna ay sheegayaan in dhaawacu uu garayo ilaa iyo sedex askari.




From the comments