Qaar ka mid ah askartii Mareykanka ee ka qeyb gashay dagaalkii Muqdisho ee October 3 ama “Black Hawk Down” ayaa weerar afka ku qaadey Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka kadib markii la helay Tweet ay qortay October 2017-kii kaas oo ay ku sheegtay in dadka qaar ay iska indho tirayaan in ciidamada Mareykanka ay kumannaan ku dileen Soomaaliya.
Marka laga soo tago askarta, waxaa jira dad badan oo difaacey Cumar, waxaa sidoo kale jiray buug lagu magacaabo “Black Hawk Down: A Story of Modern War” (1999) uu qoray Mark Bowden kaas oo dadka Soomaalida ah ee maalintaas dhintay ku qiyaasay ilaa 700
Qoraallada qaar ayaa qaba iney gaarayaan ilaa 1,000, laakin ma jirto warbixin rasmi ah oo arrintaas laga soo saarey.




From the comments