Wasaaradda Betroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney isku koobtey wax ka bedelka sharciga shidaalka, iyada oo shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Djibouti 17-kii bishan aaney ka qeyb gelin dowlad goboleedyada. Waxaa goobta tagay wasaaradda Betroolka iyo Macdanta iyo guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada ee golaha shacabka.
Sida ka duwan Cahdi qarameedkii Embakasi 2004-tii, waxaa ku cad heshiiskii Baydhabo ee June 5, 2018 iyo xataa sharcigii 2008 ee dib u eegista lagu sameeyey in shidaalka ku jira dal bad iyo bariba ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed ayna wakiil uga yihiin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, qodobbadaas dastuurig a ah oo qasab uga dhigaya dowladda federaalka ah iney tallaabo walbo kala tashtaan dowlad goboleedyada.
Haddaba xubno ka tirsan wasaaradda Betroolka oo la soo xiriiray Goobjoog News, isla markaana codsadey in magacooda la qariyo ayaa xaqiijiyey in wasaaradda Betroolka aaney casuumin dowlad goboleedyada, kooxdan oo su’aalo ka keenay sababta dowladda federaalka ah ay diyaarinta sharciga uga fogeyneyso dowlad goboleedyada iyada oo wasiirka wasaaradda Betroolka ku eedeeyey inuu iska indho-tirayo talooyin ay u soo-jeediyeen, waxaa ayna cabsi ka qabaan in ay dowladda federaalka ah isku koobto qandaraasyada xaraashka iyo guud ahaan arrimaha shidaalka.




From the comments