Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Faahfaahin ka bixiyay Howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka ay kula wareegeen Deegaanka Baladul Amiin iyo deegaano kale.
“Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay Deegaanka Baladul Amiin, waxaan sidoo kale Argagaxisada shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay dhigtaan Hantida ay ka dhacaan shacabka, Sabiib iyo Caanoole waxaan la wareegnay shalay Galinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab.
Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid ay ka carareen xarakada Al-shabaab.




From the comments