Goobjoog

DFS Oo Sheegtay Iney Qabatay Sarkaal Al-shabaab Ah

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose. Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in sarkaalkan…

DFS Oo Sheegtay Iney Qabatay Sarkaal Al-shabaab Ah
????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in sarkaalkan laga soo qabtay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabellaha Hoose, 26-kii bishan kadib markii ay ciidanka isku gadaameen goob uu ku sugnaa.

Lama sheegin magaca sarkaalkan Al-shabaabka ah ee ay ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen iyo sidoo kale waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa.

Maalmahan dambe, ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments