Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka cabanaya mushaar la’aan Afar bil ah, iyaga oo ka hadlay baahida ay qabaan.
Qaar ka mid ah ciidankan oo warbaahinta la hadlay ayaa hanjabay in 48-saac gudahood haddii aanay madaxda DFS degdeg uga jawaabin arrintaasi ay isaga soo bixi doonaan magaaladaasi.
Waxa ay sheegeen sidoo kale in aanay helin raashiinkii ay garaam ahaan u qaadan jireen ciidankan oo ay xitaa waayeen waxa ay cunaan.




From the comments