Goobjoog

Akhriso: Qaabka Loo Aasayo Marxuum Saqar, Wasiir Ku-xigeenkii W/shaqada iyo Shaqaalaha

Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Muqdishu ay ka dhacdo duugta wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla. Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhintay mid…

Akhriso: Qaabka Loo Aasayo Marxuum Saqar, Wasiir Ku-xigeenkii W/shaqada iyo Shaqaalaha

Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Muqdishu ay ka dhacdo duugta wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla. Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhintay mid ka mid ah qaraxyada lala beegsaday wasaaraddiisa.

Sida jadwalku yahay, saacadda 8:00 subaxnimo ayaa lagula tukanayaa janaasada maydka marxuumka masjidka shuahadada ee madaxtooyada, kadibna waxaa lagu aasaayaa qubuuraha isbitaalka Madiina.

Tiro 5 ka badan ayaa ku dhimatay halka dhaawacyada ay 10 ka badan yihiin qaraxyo sabtidii lala eegtay xarunta Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments