Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa maanta burburtay, Lix daqiiqo kadib markii ay ka kacday garoon ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Afhayeen u hadlay Ethiopian Airlines ayaa sheegay in diyaaraddan ay ku wajahneyd magaalada nairobi ee dalka Kenya, waxaana saarnaa 157 qof oo 8 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda.
Lama oga waxa keenay in diyaaraddan ay burburto, waxaana warbaahinta qaar ay sheegayaan in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen.




From the comments