Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyey deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in diyaaradahan ay duqeyntan ka fuliyeen deegaannada Awdheegle, Janaale, iyo sidoo kale Kuunya-barow, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Inta la xaqiijiyey waxaa duqeyntan ku dhintey Afar qof, iyadoo dhaawac uu jiro.




From the comments