Taliyaasha Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegtay Aas Aaskooda
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa hambalyo u diray ciidanka Asluubta Soomaaliya oo maanta u dabaaldagaya Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed
Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ciidamada Asluubta Soomaaliya waxaa uu ugu hambalyeeyeen sanadguuradii kasoo wareegtay 49Aad xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii taas oo maanta loo dabaaldagayo kadib shalay oo jimca ah Owgeyd la dhigay dabaaldageeda maanta oo sabti ah 23-February .




From the comments