Goobjoog

Kenya Oo Shuruudo Kale Ku Xirtay DFS

Dowladda Kenya ayaa waxa a soo bandhigtay Saddex qodob oo ah shuruud ay ku bahdileyso Soomaaliya, kadib jawaabtii ay dowladda federaalka siisay dowladdaasi. Qodobadan oo ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya…

Kenya Oo Shuruudo Kale Ku Xirtay DFS

Dowladda Kenya ayaa waxa a soo bandhigtay Saddex qodob oo ah shuruud ay ku bahdileyso Soomaaliya, kadib jawaabtii ay dowladda federaalka siisay dowladdaasi.

Qodobadan oo ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya ayaa waxa ay kala yihiin:

  • In Soomaaliya ay ka noqoto qeybo ka mid ah sohdinta dalkeeda oo ay sheegeen in Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada London
  • In Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan shirkadihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka in aysan Soomaaliya dhulkaasi lahayn
  • In Kenya ay rabto wadahadal Labada dal ah in lagu xalliyo muranka badda iyadoo laga leexanayo maxkamadda caalamiga ah

Hadaba dowladda Kenya ayaa u muuqata mid weli ku taagan boobka ay ku hayso dulka Soomaaliyeed bad iyo bariba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hab diblomaasiyadeed ugu jawaabtay Kenya, iyadoo hadalka dowladda saldhig u yahay in marnaba aan gor gortan laga galeyn dhulka Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments