Maanta oo ay ku beegan tahay 14 February, ciidanka cirka ayaa u dabaaldegaya 59 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aaskooda.
Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu weyneynayo maalintan oo sanad walbo loo dabaaldego.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka, S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa hambalyo u diray ciidanka cirka isaga oo sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynayo maadaama dhowaan kusoo biireen dhallinyaro fir-fircoon.




From the comments