Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada magaaladaasi.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash, waxaana markii la dilayey uu kasoo baxay masjid uu salaadda cishaha kusoo tukaday.
Goob jooge ayaa inoo sheegay in raggii dilka geystay ay halkaasi isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka.




From the comments