Mid kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa rajo ka muujiyey in xilligan ay isku soo dhowaadaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Idiris Sheekh Xasan oo ku sugan dalka Finland ayaa sheegay in hadda ay muuqato astaan muujineysa iney madaxda Soomaalida isku meel uga soo jeedsanayaan ka shaqeynta aayaha dalka.
Idiris ayaa sheegay in caleema saarkii madaxweynaha Puntlad lagala kulmay waxyaabo aan horey loo fileyn, kuwaasi oo ah iney isku soo dhowaadaan madaxdii dowlad goboleedyada qaar ee khilaafka kala dhaxeeyey DFS.




From the comments