Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo maanta ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa ayaa sheegay inay jiraan dalal aan dowladnimo ka jirin, isla markaana aan maamul laheyn, Soomaaliya ayuu tusaale u soo qaatay.
‘Dalal badan oo waxaa jira aaney ka jirin dowladnimo, waa iska jiraan ee ma laha maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa. Kuwoo badan ayaa jira laakin ma sheegayo sababo diblomaasiyadda awgeed”.
Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa 6,223 oo ciidan.




From the comments