Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa isniintii Xafiiskiisa ku qaabilay General Maxamuud Al Qasaal iyo Saraakiil ka socotay Taliska Milatariga Dalka Qatar.
kulanka ayaa looga Hadlay Xariirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Qatar.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha ka Socotay Dalka Qatar uu ahaa Mid looga Hadlayay Sidii wada shaqeyn iyo Iskaashi Xariir u dhax Mari lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dalka Qatar.





From the comments