Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Somaliland iyo sida ay u arkaan khilaafkaasi.
Dani oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aanay u arag khilaaf inuu kala dhaxeeyo Somaliland, balse ay taasi u arkaan iney tahay duulaan lagu soo qaaday dhulkooda.
“Annaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland, waad ogtihiin 1991 dalku markuu dhacay, dalka waxaa ka jiray 18 gobol oo la yaqaanay, wixii intaa ka dambeeyey dadku waxay isugu guureen nidaamka federaalka ah, intii rabtay baa wada heshiisay, Somaliland waxaa lagu aas-aasay markii ugu dambeysay Boorame marka Burco laga tago, qabaa’ilkii ku bahoobay waa la yaqaanaa, Garoowe markii la’aas aasayna qabaa’ilka ku bahoobayna waa la yaqaanaa, qabaa’ilka u bahoobay Puntland dhisiddeeda waa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyoga Gaalkacyo, Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle”




From the comments