Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo axaddii yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay sannadka 2018, ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka.
Kulanka golaha oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaarha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray isla xisaabtanka iyo qiimaaynta waxyabahii sannadka dhammaadka ah u qabsoomay afarta tubood ee ay ku salaysan tahay shaqo maalmeedka Dowladda Soomaaliya.
“Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre..




From the comments