Aqoonyahanno iyo falanqeeyayaal dhanka siyaasadda ah ayaa aragti kala duwan ka bixiyey waxa sababay in xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ay dib uga laabtaan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
Waxa ay qaarkood sheegeen in sababtaasi laga yaabo iney tahay u turista dalka iyo dadka.
Halka aqoonyahannadan qaarkood ay sheegeen iney tahay guul darro siyaasadeed oo soo wajahday xildhibaannadii mooshinka waday.




From the comments