Macalin ka tirsanaa macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho ayaa saakay lagu toogtay agagaarka Haanta-dheer ee dagmada Dayniile.
Maxamed Axmed Oongooye oo ah macalinka la toogtay waxaana la dilay kadib markii gaari uu watay lagu joojiyay halkaasi, waxaana dad goobjoogayaal ah tilmaameen in dhowr xabadood madaxa looga dhuftay.
Dilkan ayaa waxaa geystay dhaliyaro bastoolado ku hubaysanaa, waxa ayna isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, Oon-gooye waxaa uu ifka uga tagay seddex caruura iyo mid uurka lagu sido. Macalinka ayaa ahaa wiil dhalin yara ah oo 30 ku jira ah sida ay Goobjoog news u sheegeen qaar ka mid ah asxaabtiisa.




From the comments