Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka, K/galbeed iyo kuwa Itoobiya.
Howlgalkan ayaa la doonayey in lagu joojiyo dibadbaxyada ka soconayey magaaladaasi, waxaana ciidanku ay xabsi dhigeen in ka badan 200 qof oo shacab ah una badan dhallinyaro dibadbaxyadan dhigayey.
Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkan la xirey loo qaaday xabsiyada Baydhabo, iyadoo dhanka kale dib ay hawada ugu soo noqotay isgaarsiintii magaalada oo saacado badan maqneyd.




From the comments