Xidigaha xulka qaranka 20-jirada ayaa markii ugu horeesay ciyaaro saaxiibtinimo dalka uga baxay ku dhawaad mudo 30-sano ah waxayna ciyaartan la dheeleyn dhigooda Jabuuti.

Laacib Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxda qurbajoogta ee ciyaaraha saaxiibtinimo dalka u imaaday intii u dhaxaysay 17-30 October ayaa noqday xidigihii ugu horeeyay ee xulka qaranka saddexlay u dhaliya waana rikoorka wanaagsan uu sameeyay laacib Feysal oo adeerkiis Yasir Mohamed Mohamud ka mid ahaa xidigihii usoo ciyaaray xulka qaranka kubbadda cagta.







From the comments