Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan, waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan maamul goboleedyada, isaga oo…
Published November 1, 2018 - Updated November 1, 2018
Akhris 2 daqiiqo ah
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan, waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan maamul goboleedyada, isaga oo sheegay hadal ay maamullada kaga sii fogaan karaan dowladda federaalka.
Ugu horreyn Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maamullada waajib ka saaran yahay wax u qabashada dadka ku dhaqan deegaannada maamul walbo uu ka taliyo.
“Maamul goboleedka waxaa u soo haray in addeeggii ay gaarsiiyaan, haddii ay tahay waxbarasho, haddii ay tahay caafimaad, in dadka ay mas’uulka u yihiin ka warqabaan iyo haday tahay ceelal inay u sameeyaan iyo canshuuraha inay uruuriyaan, anigu waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ah ee dunida ka jira waa noocaas”
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in maamul goboleedyada doonayaan iney badiyaan socdaalka arrimaha dibadda oo ay la fariistaan madax kala duwan.
“Laakin maamul goboleedka haddii uu yiraahdo siyaasad arrimo dibadeed ayaan leeyahay oo gaar ah oo waxaan rabaa socodka inaan badiyo oo meelo badan tagtago, su’aasha taalla waxay tahay haddii aad la fariisato madaxweyne Salva Kiir adiga iyo Salva Kiir maxaa idin ka dhaxeeya?.maxaad kala saxiixan kartaan?..ileen adigu dowlad goboleed baad tahaye, marka haddii aad soo raadsato Salva Kiir iyo madaxweynayaasha gobolka ama Ra’iisul wasaarayaasha waxaad muujineysaa dalkaaga inuu kala daadsan yahay, dalkaaga inuu fowdo yahay”.
From the comments