Duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay u geysteen Al-shabaab ayaa waxaa lagu dilay 60 ka tirsan xarakada, duqeynta waxaa ay ka dhacday Xarardheere, Mudug, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ay xalay soo saareen AFRICOM.
Duqeynta ayaa la sheegayaa inay tahay middi ugu cusleyd tan iyo November 2017 kolkaas oo duqeyn ku dileen Mareykanka ilaa 100 Al-shabaab ah.
Qoraal-ka taliska Mareykanka ee Afrika(AFRICOM) waxaa lagu sheegay oo kale in duqeynta ay hoos u dhigeyso awoodda Al-shabaab, inay gesytaan weerarro cusubs, in la wiiqo shabakadooda hoogaanka iyo in hoos loo dhigo sida ay xornimada ugu dhaq-dhaqaaqaan gobolka.




From the comments