Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa talaadadii xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ku saxiixday qaraarka Qaramada Midoobey ee dhowrista Xuquuqda Naafada.
Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 178aad ee saxiixa xeerkan dhowraya xuquuqda Naafada, arrinkaas oo ahmiyadiisa ay ka hadashay dowladda.
Qoraal yar oo ka soo baxay dowladda federaalka, waxaa lagu sheegay “ dowladda Soomaaliya, waxaa ay u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafadaha ah”.




From the comments