Madaxweynaha dowladda Jubbaland ee Soomaaliya, Mudane Axmed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta kormeer ku gaaray degaanka Baar-sanguuni oo dhawr bilood ka hor ciidanka Jubbaland, kuwa xoogga dalka iyo AMISOM ay kala wareegeen Xarakada Alshabaab.
Axmed Madoobe ayaa u kuurgalay howlgallada ay wadaan ciidanka Jubbaland ee aaggaasi ku sugan isagoo sidoo kale dhex lugeeyay xeryaha ciidanka ay ku leeyihiin degaanka.
Ciidamada ayuu faray madaxweyne Axmed Islaam in ay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo guryo noqon lahaayeen dadkii shacabka ahaa ee ku barakacay dagaalladaasi dhowaan halkaas ka dhacay, isgaoo intaas ku daray in Alshabaab ay ka saaraan guud ahaan gobollada Jubbooyinka.






From the comments