Saynisyahanno ka tirsan Mac’hadkadka Garvan ee cilmi-baarista caafimaadka ee dalka Australia ayaa helay “xubin yar” oo ka tirsan jirka aadanaha oo aan horey loo aqoon, xubintani waxey mas’uul ka tahay la falgalka nidaamka difaaca jirka marka uu cudur ku soo laalaabto jirka.
Website-ka Science Alert ayaa sheegay in saynisyahannada xubintan cusub daahrogay ay ka heleen dusha sare ee Iymph nodes ee jiirka macmalka laga baaray. iyagoo isticmaalaya microscope laser ah, kaas oo suuraggal ay tahay in lagu qaado sawirro heer sare ah oo 3D. markii ay baaritaan ku sii sameeyeen xubintan jirka aadanahana wey ka heleen.
Xubintan cusub ayay u bixiyeen “subscapular proliferative foci” oo marka la soo gaabiyo noqoneysa (SPFs), taas oo habdhiska difaaca ku taageeraysa inuu xasuusto cudurkii horey u soomaray, saynisyahannadu waxey horey u ogaayeen in ay jiraan unugyo noocaas oo kale ah jirka aadanaha, laakiin halka uu ku yaallo ma aaney garaneyn, haddase arrintaasi wey u suuraggashay.




From the comments