Daahrog (Patent) cusub ah oo loo diiwaageliyay shirkadda Apple ayaa tilmaamaya doonista shirkadda in mobile-keeda iPhone loo bedelo baasaaboor qofka wata aqoonsigiisa gaarka ah u noqon doona. waxaa la isticmaalayaa adeegyada kala duwan ee iPhone ee qofka lagu aqoonsado, waxaa gudaha mobile-ka lagu kaydinayaa magaca, cinwaanka, taariikhda iyo dhammaan macluumaadkii baasaaboorka ku qornaa oo dhan.
Marka qofka laga dalbado inuu warqadihiisa aqoonsiga bixiyo, qofka mobile-ka iPhone wata waxa uu isticmaalayaa passwordka aqoonsiga suulka ama aqoonsiga wejiga ee mobile-ku leeyahay. adeeggan ayaa meelo badan faa’iido u leh, sida warshadaha oo qeybo ka mid ah shaqaalaha qaar aan loo ogoleyn iney booqdaan.





From the comments