Askar la sheegay in loo maleynayo iney ka tirsan yihiin ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay hoygiisa xilli dambe oo xalay ah kala baxeen wariye Ismaaciil Yuusuf oo ka howlgalayey Radio Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose.
Ciidamadan ayaa la sheegay iney ka yimaadeen dhanka deegaanka Ballidoogle, waxaana ay indhaha ka xireen wariyaha, iyaga oo saartay gaari ay wateen.
Ehlada wariyaha ayaa sheegay in ciidankaan ay si gaar ah wariyaha u bartilmaameesanayeen, iyadoo aan la ogaan sababta rasmiga ah ee arrintaasi ka dambeyso.




From the comments