Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciiamada Qalabka sida ayaa waxay ku dhawaaqday Xukun dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ay ku soo eedeysay inuu ka tirsan yahay Kooxda Argagixisada Daacish una qaabilsanaa farsameynta Qaraxyada.
Eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni ayaa ka soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraha Qandala oo dhexmaray Maamul Gobolleedka Puntland iyo Kooxda argagixisada Daacish oo uu ka tirsanaa.
Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa waxay sheegtay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu ka hor cadeeyay Garsoorka Ciidanka hortiisa inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish kana soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraleyda Qandala ka dibna uu u soo wareegay Gobolka Shabeellaha hoose si uu uga fuliyo Qaraxyo.




From the comments