Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo maanta ka hadlayey madal ay soo qaban-qaabiyeen NUSOJ, loogana hadlayey sida warfaafinta uga qeyb-qaadan karo baahinta dowladda wanaagga ayaa sheegay in Soomaalida aaney cid kale wax ka sugin, amni, dhaqaale iyo wax kalaba, isaga oo intaasi raaciyay “Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida”.
Michael Keating, waxaa ii sidoo kale aad u ammaanay qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah oo ka hadalaya Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta, qodobkaas oo ka hadlaya:
(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.




From the comments