Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uu si rasmi ah uga furmo shirka golaha amniga qaranka, kaasi oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Waxaa Baydhabo ku sugan madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda dowlad goboleedyada.
Shirka golaha amniga qaran ayaa looga hadli doonaa arrimaha ammaanka dalka, dib u dhiska ciidanka, dib u eegista waxyaabihii ka qabsoomay shirkii kan ka horreeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo arrimo kale.




From the comments