Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hey’adda “Save the Children” ilaa 130 canug oo ka yar da’da 5 sano ayaa geeriyoota kuwaas oo ka mid ah 1,000-kii canug ee ku dhasha gudaha Soomaaliya.
Warbixin la magac baxday “ End of Childhood Report” ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta 1aad uga jiro caruurta geeriyoota iyaga oo aan gaarin 5 sano, 132.5 cunug ayaa ka dhimata 1,000 canug ee ku dhalata gudaha Soomaaliya.
Warbixintan oo ku soo aaday maanta oo ah maalinta caruurta adduunka ee June 1, waxaa kale oo lagu sheegay in caruurta Soomaaliya joogta aaney waxbarasho aadin 48.7% gaar ahaan iskuulka hoose ama sare.




From the comments