Maxkamadda ciidamada qalbka sida ayaa maanta xukun waxay ku riddey Saddex eedeysane oo loo haystay iney ka mid ahaayeen koox weerar ku qaadday Hotelka Naasa-hablood Laba ee magaalada Muqdisho, 28-kii October 2017.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa raggan ku eedeyay iney ka mid ahaayeen urur hubeysan oo liddi ku ah dowladda, sidoo kalena ka mid ahaayeen koox weerartay hotelka Naasa-hablood Laba.
Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggan kala ah Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule ay qirteen dambiyada loo haystay.




From the comments