Dhallinyarada Kubadda Cagta ee magaalada Jowhar ayaa ka cabanaa dayac ka jira qaar ka mid ah Garoomada lagu ciyaaro Banooniga.
Dhallinyarada ayaa sheegay in garoomada qaarkood laga dhigay meelo lagu shubo qashinka, halka kuwa kalana loo adeegsado xabaale.
Dhallinyarada Kubadda cagta ee ku nool Jowhar ayaa arrintani ku tilmaamay in ay keeni karto dib u dhac ku yimaada horumarka Ciyaaraha,taasi oo asaas u ah is dhexgalka bulshada iyo xasiloonnida.




From the comments