Qaramada Midoobay iyo isbahaysiga samafalka Gavi ayaa Isniintii si wadajir ah ugu dhawaaqay ol’olihii ugu ballaarnaa abid taariikhda inta la ogyahay ee dadka Qaaradda Afrika looga tallaalayo cudurka Cholera, si cudurka loo xakameeyo daafaha kala duwan ee Qaaradda.
Sida ay sheegtay wakaaladda Wararka AFP, isbahaysiga Gavi ayaa sheegay in la tallaali doono ku dhawaad Laba milyan oo qof oo qaadan doona tallaalka cholera-ha, kaas oo ah mid afka laga qaadanayo, waxaa la qaadi doonaan 5 ol’ole oo kala duwan oo ka bilaabmi doono Malawi, Nigeria, South Sudan, Uganda iyo Zambia, ol’olaha waxaa la soo gabagabeyn doonaa dhammaadka bisha June.
Madaxa Gavi oo la yiraahdo Seth Berkley oo bayaan soo saaray ayaa waxa uu yiri: “Waa falcelin aan horey u dhicin oo lagaga jawaabayo xaaladaha faafitaanka cholera ee daafaha kala duwan ee Qaaradda.”




From the comments