Shirkadda Facebook ayaa si tijaabo ah u soo kordhisay adeeg cusub oo u ogolaanaya dadka muuqaallada baahiya kuwii ay horey u duubeen sidii mid toos ah oo kale in si Live ah loogu daawan karo.
Sida uu qoray Website-ka “cnet” ee dalka Mareykanka ka soo baxa, adeeggan cusub ayaa lagu magacaabaa “Premieres“, dadka isticmaala waxa uu u ogolaanayaa in muuqaalladooda u baahiyaan sidii inuu hadda Live yahay oo kale, iyadoo dhammaan astaamaha adeegga Live-ka ah laga helo u dhameystiran yahay.
Fidij Simo oo ah madaxa qaybta muuqaallada ee shirkadda “Facebook” oo barteeda qoraal soo galisay ayaa waxay tiri, adeeggan cusub waxa uu suuraggal ka dhigayaa in muuqaallada, aflaamta, bandhigyada iyo muuqaallada horey loo duubay sidii Live ah oo kale loo daawado.




From the comments