Goobjoog

Tunisia Oo Marti-gelindoonta Shirmadaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta, 2019-ka

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa isku raacay in shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta wareeggiisa 30-aad lagu qabto Maarso, 2019 dalka Tunisia, ka dib markii ay ka cudur daaratay Baxreyn. Madaxweynaha Tunisia Beji Caid…

Tunisia Oo Marti-gelindoonta Shirmadaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta, 2019-ka

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa isku raacay in shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta wareeggiisa 30-aad lagu qabto Maarso, 2019 dalka Tunisia, ka dib markii ay ka cudur daaratay Baxreyn.

Madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu marti geliyo shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta kasi oo la qaban doono wareeggiisa 30-aad bisha Maarso ee sanadki 2019-ka.

Ballanka waxaa uu ahaa in sanadka soo socda Baxreyn ay marti-geliso shirmadaxeedka balse waa ay ka cudur daaratay.

Heshiiska u yaallo ururka Jaamacadda Carabta ayaa ah in marba lagu qabto shirmadaxeedka ururka waddan walba oo xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments