Aadan Cumar oo ah Guddoomiyaha degmada Baraawe oo la hadlay Goobjoog News ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda dadkii ku dhaawacmay qarax Miino oo ka dhacay mid ka mid ah garoomada lagu ciyaaro ku badda Cagta ee ku yaallo gudaha Baraawe.
Guddoomiye Aadan Cumar ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miinada laga hago rumuudka laguna aasay garoonka dhexdiisa, waxaa uu intaas ku daray in ay ku dhinteen 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 qof oo kale.
Guddoomiyaha ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in meesha uu qaraxa ka dhacay in aysan joogin wax ciidan ah iyo mas’uuliyiin dowladeedba intaba.




From the comments