Xogheynta guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in shir-madaxeedka Carbeed lagu qaban doono caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh 15 bisha Apriil ee soo socota.
Xogheyaha guud ee ururka Jaamacadda Axmed Abuu Qeydh ayaa intaasi ku raday shalay oo Talaado aheyd in ay xogheynta dowladda Sacuudiga ay u soo dirtay waraaq rasmi ah oo ku saabsan in shir-madaxeedka lagu qaban doono Riyaadh iyo in dowladaha xubnaha ka ah ururka la gaarsiiyo arrintaasi.
Abuu Qeydh ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay in kulan madaxeedka uu ka horreeyo kulamo qorsheed oo bilaabanaya 9 Apriil ee soo socota.




From the comments