Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay gobollada dalka ka bilaabayaan guud ahaan la dagaalanka cudurka jadeecada, isla markaana shacabka looga baahan yahay inay carruurtooda talaalaan.
Fowsiyo Abiikar, Wasiirka Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu aad u sarreeyo cudurkaan, iyadoona maanta la daahfuray ololaha talaalka Jadeecada.
Wasiirka ayaa sheegtay inay Puntland horey uga bilaabeen talaalkaan oo loogu talagalay inay ka faa’ideystaan 3 milyan oo carruur ah.




From the comments