Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo kaashaneysa hay’adda “Save The Children” ayaa bilowday Olole caruurta ka yar 10-ka sano looga tallaalayo cudurka Jadeecada, kaasi oo ay ka bilowday deegaannada hoos yimaada Cadaado.
Dadka ku nool deegaannada Miyiga ayaa soo dhoweeyay ololahan caruurta looga tallaalayo cudurka Jadeecada kaasi oo wasaaraddu ay fulineyso.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada Miyiga oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegeen in ay ka faa’ideysanayaan barnaamijkan ay waddo wasaaradda caafimaadka Galmudug sida Cumar Maxamed Siyaad oo sheegaya”Waxaan ku noolahay deegaanka Bowdo-Dhogorre, waxaan aad iyo aad ugu mahad-celineynaa dadka noo-soo gurmaday oo halkan nagu soo gaarsiiyey Talaalka, dadka ku dhaqan halkan waxaa aad u saameeyay cudurka loo yaqaanno Jadeecada”.




From the comments