WhatsApp ayaa dib u cusbooneysiin ku sameeyay howlaha uu qabto waxaa lagu soo kordhiyay “CarPlay” oo xilliga gaariga la wado ah kaas oo shirkadda Apple u gaar ah.
Nuqulka ugu dambeysay ee adeegga WhatsApp 20.18.2, marka aad cusbooneysiin ku sameyso waxaa kuu soo galay isla markiiba adeegga “CarPlay” oo dadka wata mobile-llada iPhone ay heli karaan.
Laakiin WhatsApp-ka gawaadhida ee CarPlay waxa uu kuu soo bandhigyaa un farriimaha laguu soo diro iyadoo ay kuu suurtogalayso inaad adiguna cod kaliya aad ku jawaabo, waxaana loogu talagay si darawalka aanuu uga mashquulin shaqada muhiimka ah ee kaxaynta gaariga ah.




From the comments