Jariidada “Independent” ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortay in dhakhaatiirta ay ka digeen khatarta ay leedahay in afka la xiro oo la isku celiyo hindhisada.
Warbixinta ay jariidadu daabacday ayaa lagu sheegay in dhakhaatiirta Leicester ay daaweynayaan nin 34 jir ah oo hungurigu uu dalillaacay; kadib markii uu hindhiso isku celiyay, hawadii uu isku celiyay ayaa keentay iney dhibaato gaarsiiso hunguriga oo dillaacay, waxayse tilmaameen in dhawaacyadan oo kale ay aad u yaryihiin, laakiin ay tahay iney dadku ay ku baraarugaan khatarta ay yeelan karto in hindhisada la isku celiyo si ay uga gaashaantaan.
Wargeyska oo soo xiganaya joornaalka caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in hindhisada la isku celiyo sidoo kale laga dhaxlo iney dhibaato soo gaarto dhagaha, xitaa ay dhici karto inuu xidid halbowle ah qarxo oo gudaha maskaxda ah.




From the comments