Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Qatar ay qal-qal galiyeen mid ka mid ah diyaaradaha duulimaadka rayidka oo laga leeyahay Imaaraadka.
Imaaraadka Carabta ayaa tilmaamay in diyaaraddaan la qal-qal geliyay ay u socotay dalka Baxreyn, waxayna ballan qaaday in ay qaadeyso dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagu nabad-gelinayo diyaaradaha duulimaadka rayidka.
Balse afhayeen u hadlay dowladda Qatar ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyey waxayna tiri “ Wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Qatar ay weerareen diyaarad Imaaraad ah waa war aan run aheyn”.




From the comments