Mark Zuckerberg aasaasaha “Facebook” ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in isbedello waaweyn lagu sameyn doono adeegyada shirkaddiisu bixiso oo saameynaya wararka dadka barta isticmaa ay ishoodu qabaneyso.
Zuckerberg ayaa bartiisa bulshada kusoo qoray in hortabinta la siin doono isdhexgalka bulshada ee macnaha leh, halkii markii hore wararka dadka caanka ah kuwa warbaahintu ay hortabinta lahaayeen.
Waxa uu Mark hadalkiisa sii raaciyay “Xilliyadii lasoo dhaafay waxaa xoog badnaa ka qeybgalka shirkadaha, gacansiga iyo warbaahinta, kuwaas oo inta badan carqalad ku noqda xaaladaha gaarka ah iyo xiriirka bulshada.”




From the comments