Goobjoog

Wasaaradda Caafimaadka DFS Oo Deeq Dawo Ah Gaarsiisay B/weyne

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxay deeq dawo ah gaarsiisay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka. Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiya Abiikar Nuur…

Wasaaradda Caafimaadka DFS Oo Deeq Dawo Ah Gaarsiisay B/weyne

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxay deeq dawo ah gaarsiisay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka.

Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiya Abiikar Nuur iyo wafdi ay hoggaamineysay ayaa gaaray B/weyne, waxaana dawada la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi.

Wasiir Fowsiya ayaa kormeertay goobaha lagu daweynayo dadka uu soo ritey cudurkaasi, waxaana goobahaasi kamid ah Isbitaalka guud ee B/weyne.

Mar ay si kooban wasiir Fowsiya ula hadashay saxaafadda waxay sheegtay in dowladda ay garab taagan tahay dadka la xanuunsanaya Shuban biyoodka, islamarkaana kaalin ka qaadan doonto daweyntooda.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments