Shirkadda “Facebook” ayaa maanta oo Sabti ah soo kordhisay adeeg cusub oo wata magaca “snooze” oo qofku marka uu doono uu qof kale oo saaxiibkii ah muddo 30 cisho ah iskaga xayiri karo qoraalladiisa iyo waxyaabaha uu bartiisa soo dhigo.
Website-ka “TechCrunch” ee teknoolajiyadda ayaa sheegaya in adeeggan cusub uu qofku iskaga xayiri karo waxyaabaha uu soo qor saaxiibkii ee aan u cuntamin, iyadoo gabi ahaanba muddo 30 cisho ah aanuu arkayn posts-kiisa iyo waxyaabaha uu soo qoro.
Website-ka ayaa intaa sii raaciyay in adeeggan cusub ee “snooze” uu u dhexeeyo Unfollow iyo unfrend oo midna aad qofka saaxiibtinimadiisa iskaga xayireyso, halka mid ka kalena aad qoraalladiisa iskaga joojineyso gabi ahaan.




From the comments