Daraasad lagu sameeyay jiir ayaa muujineysa in dareenka xanuunku ku badan yahay madaxa iyo wajiga marka loo eego xubnaha kale ee jirka, iyaddoo sababtuna tahay goob goonni ah oo maskaxda ah ay sii kordhiyaan dareenka xanuunka labadaa meelood.
Van Wang oo ka tirsan markaska caafimaadka ee jaamacadda Duke ee Durham gobolka North Carolina ee gudaha dalka Mareykanka ayaa tilmaamay iney eegeen siyaabaha uu jiirku xanuunka u dareemo, waxayna si gaar ah u eegeen goobaha xanuunka ee marka ay dhibaato soo gaarto wajiga iyo lugaha. Waxay arkeen in baraarujiyaasha xanuunku goobahaasi uu kala duwan yahay.
Xanuunka lugaha waxa uu aadaa dhanka lafdhabarta kadib waxa uu usii gudbaa dhanka maskaxda qeybta lidka ku ah lugta dhibaatadu soo gaartay. Halka dareenka xanuunka wejiguna uu toos u aado goob maskaxda ah oo goonni ah.




From the comments